DHAGEYSO:Siciid Deni: Waxaan diyaar u nahay inaan meel fagaare ah kuwada hadalno annaga iyo dowladda federaalka

0
424

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wada hadal ay la galaan dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo xalliyo khilaafka taagan.
Waxaa uu sheegay inay u baahan yihiin in meel fagaare ah oo Soomaalidu marqaati ka tahay lagu wada hadlo.
Madaxweynaha Puntland ayaa intaasi ku daray haddii arrintan ay suurto gali waydo inuu dalku khatar ugu jiro in sida Somaliland cid walba goonideeda isku taagto.
Deni ayaa gartiisa u dhiibtay wafuudda ka soo qayb gashay shir ku saabsan arrimaha nabadda oo xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe.
Waxaa uu ka codsaday wafuudda shirkaas inay meel fagaare ku wada hadal siiyaan iyaga dowladda Federaalka.
Madaxweynaha Punland ayaa sheegay marar badan oo qol mugdi ah lagu shiray in ay wax ka soo bixi waayeen, sidaas awgayd loo baahan yahay in meel fagaare ah lagu wada hadlo.

Puntland iyo Dowladda Federaalka ayaa muddo ka badan labo sano uu khilaafkoodu taagan, iyadoo wax xal ah loo helin.
Dhinacba dhinac kale ayuu ku eedeynayaa inuu diidan yahay in la wada hadlo.