Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa gacanta ku dhigay labo ka mid ahaa howlwadeennadii maamulkii hore ee dowlad deegaanka Galbeedka Pokot.
Waxay ku eedeysan yihiin fal lagu lunsaday 296 milyan oo shilin oo loogu talagalay in lagu taageero ardayda ka soo jeedo qoysaska danyarta ah.
EACC ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in shakhsiyaadkan ay lacagahan lunsadeen intii u dhexeysay sanad maaliyadeedyadii 2017/2018-kii iyo 2021/2022-kii.
Shakhsiyadkan la xiray ayaa kala ahaa Mary Ngoriakes, madaxii hore ee waaxda tacliinta ee ismaamulka West Pokot iyo Mathew Arusio, oo ahaa agaasimihii hore ee waaxda qaabilsanayd deeqaha waxbarashada ee dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu qorshuhu yahay in maanta tuhmanayaasha maxkamadda la soo taago si ay uga jawaabaan eedeymaha loo jeediyay.
Home Wararka Kenya Labo ka mid ahaa shaqaalihii hore ee ismaamulka Galbeedka Pokot oo musuqmaasuq...