Israa’iil oo ku dhawaad 500 oo qof ku dishay dalka Lubnaan

0
345

Ugu yaraan 492 qof ayaa dhinteen halka 1,645 ruux oo kale ku dhaawacmeen weerarro ay ciidamada militeriga Israa’iil ka gaysteen dalka Lubnaan, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee waddankaasi.
Carruur, haween iyo kalkaaliyayaal caafimaad ayaa ka mid ah dadka la dilay.
Ciidamada militeriga Israa’iil ayaa sheegay in 24-kii saacadood ee u dambeeyay ay fuliyeen 650 weerar oo ay ku qaadeen ilaa 1,300 oo bartilmaameed ah oo ay ururka Xisbullaah maamulaan.
Weerarrada Israa’iil ayaa sababay qalalaase baahsan ee guud ahaan dalka Lebanon, iyado dad aad u tiro badan ay dantu ku qasabtay inay isaga qaxaan qaybo ka mid ah koonfurta iyo bariga waddankaasi.
Waxaa kordhay walaaca laga qabo in dagaal rasmi ah uu dhexmaro Israa’iil iyo uruka Xisbuullah ee dalka Lebanon.
Ciidamada nabadsugidda ee Qaramada Midoobay ee Lebanon (UNIFIL) ayaa ka walaacsan badqabka dadka rayidka ee dalkaasi.