Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa hoggaamiyayaasha siyaasadeed ku boorriyay in ay waqti xaadirkan diiradda saaraan arrimaha horumarka.
Waxaa uu kula taliyay in ay xoogga saaraan u adeegidda shacabka.
Gachagua ayaa madaxda siyaasadeed ka codsaday in ay midnimada iyo horumarinta dalka ku dadaalaan oo ay ka fogaadaan kala qaybinta dadweynaha.
Waxaa uu xusay inay jiro qorshe siyaasadeed oo la doonaya in lagu kala qaybiyo shacabka gobolka Bartamaha dalka ka hor doorashada guud ee sanadka 2027-da.
Gachagua ayaa sheegay in qorshahaasi uu fashilmi doono.
Waxaa uu shacabka gobolka Mt. Kenya ka codsaday inay u midoobaan horumarka.
Waxaa uu sidoo kale xusay in isaga iyo madaxweynaha dalka William Ruto ay si dhow u wada shaqeynayaan sidaasi awgeedna aan loo baahnayn in laga dhex abuuro khilaaf aan jirin.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa tilmaamay in ilaa iyo hadda uunan isaga ka caban in ay wada shaqeyn la’aan kala dhexeyso madaxweynaha sidaasi awgeedna ay qalad tahay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka Bartamaha ay arrintan ku marin habaabiyaan shacabka.