IPOA oo baareysa sababta ilaalada loogala laabtay garsoore Lawrence Mugambi

0
415

Maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliiska ee IPOA ayaa sheegay inuu baaraya sababta ka dambeysa in lagala laabtay ciidamadii ilaalada u ahaa garsooraha maxkamadda sare ee dalka Lawrence Mugambi.
Waxaa arrinkan bayaan uu soo saaray shaaca kaga qaaday madaxa fulinta ee maamulka IPOA Elema Halake.
Mas’uulkan ayaa intaasi ku daray in baaritaanada ka dib ay tallaabooyin ka soo saari doonaan.
Waxaa uu sii hayaha xilka taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Gilbert Masengeli ku eedeyay inuu dafiray amarro maxkamadeed maadaama loo yeeray ilaa toddobo mar oo uunan maxkamadda ka soo hormuuqan.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxa cadaalada ee dalka garsoore Martha Koome ay sheegtay in ciidamadii ilaaalada u ahaa garsooraha maxkamadda sare Lawrence Mugambi lagala laabtay.
Hasa ahaatee, sii hayaha xilka taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka ayaa sheegay in labo sarkaal oo ahaa ilaalada garsooraaha loo yeeray si ay uga qayb galaan tababar muhiim
Arrintan ayaa timid maalmo un ka dib markii garsoore Lawrence Mugambi uu xukun xabsi oo 6 bilood ah ku riday sii hayaha xilka taliyaha guud ee ciidanka booliiska Kenya Gilbert Masengeli.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here