KMPDU oo dalbatay in baaritaan lagu saameyo musuqmaasuq ka dhex jira waaxda caafimaadka

0
132

Ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta dalka ee (KMPDU) ayaa dalbanaya in baaritaan hufan lagu sameeyo waxa ay ku sheegeen musuqmaasuq weyn oo ka dhex jira waaxda caafimaadka ee waddanka.
Xilli uu ururkan soo bandhigayay warbixintiisa 2022-2024-ka ayuu ka hadlay qandaraasyada la siiyo shirkado ajnabi ah.
KMPDU ayaa shirkadaha ajnabiga ku eedeysay inay dalka keeneen qalab aan tayadoodu gaarsiisneen heerkii laga rabay, islamarkaana ay waddanka u horseedeen khasaaro dhaqaale.
Shirkadahan ayaa laga leeyahay dalalka Jarmalka iyo Austria.
KMPDU ayaa intaasi ku dartay in shirkadahan ay malaayin shilin ka heleen dowladda Kenya oo ay u qalabeeyeen xarumaha caafimaadka ee dalka.
Uruka KMPDU ayaa doonaya in baaritaanno hufan lagu sameeyo cidda ka dambeysay qandaraasyada, cidda ka faa’iidaysatay iyo in mashaariicdan ay Kenya ka faa’iideysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here