Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku baaqay in dagaalka Al-shabab loo midoobo

0
390

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa Cambaareyey Qaraxii geystay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee xalay ka dhacay Saldhiga Ciidanka Booliska Degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir.
Qoraal lagu daabacay Bogga Rasmiga Facebookga ee Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri Waxaan cambaareynayaa weerarkii argagixisadu ku qaadeen Saldhigga degmada Waaberi.Waxaan qoysaskoodii iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa saraakiishii iyo shacabkii ku naf waayay falkaas, Inta dhimatay Allaha u naxariisto dhaawacyadana Allaha bogsiiyo.
Sidoo kale Mr Rooble ayaa waxaa uu sheegay in Falkani uu tusaale cad u yahay sida aysan xurmo ugu hayn dhiigga Shacabka Al-Shabaab xilligan oo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan Gaar ahaan Malmihii ugu danbeeyay uguna Fadliga Badnaa.
Waxaa uu Guud ahaan Umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in la iska kaashado la dagaallanka waxa uu ugu yeeray argagixisada diiddan in dadka ay nabad ku naalloodaan wadankuna Xasilooni yeesho.