Booliiska gobolka Banaadir oo gacanta ku soo dhigay macallin dugsi ku eedeysan inuu ceeji ku dilay gabadh yar

0
283

Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhigga degmada Warta nabadda ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay nin ku eedeysan inuu Ceeji ku dilay gabadh 17 sano jir ahayd.
Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Cabdicasiis Cismaan Maxamad Sadaam ayaa ahaa Macallin Dugsi Quraan oo si weyn looga yaqiinay xaafadda lagu dilay gabadha yar oo lagu magacaabi jiray Maa’ido Maxamad Axmad.
“Ciidanka Boliiska gobalka Banaadir, gaar ahaan Saldhigga Boliiska degmada Warta-Nabadda ayaa gacanta ku soo dhigay, eedeysane Cabdicasiis Cismaan Maxamad (Sadaam) oo ku eedeysan in uu ceeji ku dilay Marxuum Maa’ido Maxamad Axmad oo 17 sano jir ahayd, dilka gabadha ayaa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay degmada Warta-Nabadda, waxaa socota baarista Boliiska, waxaana la horgeyn doona Maxkammada awoodda u leh” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliiska gobolka Banaadir.
Dhanka kale, gabadh la dhalatay marxuumadda la dilay oo la hadashay warbaahinta ka hor inta aan gacanta lagu soo dhigin ninkan ku eedeysan dilka ayaa sheegtay in dilka Walaasheed uu ahaa mid aan loo adeegsan wax hub ah, islamarkaana jirkeeda uu ahaa mid ka muuqday jirdil iyo Ceeji.
“Gabadha madaxa jug looga gaystay ka dib waa dhiig baxday, sidoo kale ceeji loo gaystay ayay u dhimatay, iyada dhan wada dhiig ayay ahayd qof ayaa si cad u dilay” ayay tiri.
Ugu dambeyntii ninka loo soo qabtay dilka gabadha yar ayaa la sheegay inuu Jeclaa gabadha, islamarkaana uu tagi jiray xaafadda gabadha la dilay, waxaana dilkan uu qayb ka noqonaya dilalka naxdinta badan oo sanadkan gudihiisa laga soo tabiyay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here