Booliiska oo shacabka u xaqiijiyay badqabkooda ka dib digniino ay soo saareen Maraykanka iyo UK

0
287

Ciidamada booliiska ee dalka ayaa dadweynaha u xaqiijiyay in amniga waddanka si wayn loo adkeeyay sidaasi awgeedna aynan jirin sabab ay walaac uga muujiyaan badqabkooda.
Tani ayaa timid ka dib markii safaaradaha dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska ee Kenya ay soo saareen digniino ku aaddan weerarro argagixiso oo laga cabsi qabo in ay ka dhacaan gudaha dalka.
Waddamadan ayaa muwaadiniintooda ku sugan gudaha Kenya ku boorriyay in ay aad u taxadaraan si aan loo bartilmaameedsan.
Hasa ahaate, adeegga qaran ee booliiska oo arrintan ka falcelinaya ayaa dadweynaha u sheegay in la qaaday tallaabooyin looga hor tagaya falalka amni darro ee lagu waxyeelleyn karo.
NPS ayaa intaasi ku dartay in ciidamada ka howlgalo qaybaha kala duwan ee waddanka ay heegan sare ku jiraan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here