DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliya oo cambaareeyay qarixii xalay ee Muqdisho ka dhacay

0
527

Madaxweynaha Soomaaliya islamarkaana muddo xileedkiisu ku ekaa 8-dii bishii Labaad ee sanadkan Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen saraakiishii, saraakiil xigeen, askar iyo dadkii kale oo shacab ah kuwaasoo ku geeriyooday qaraxii Xalay ka dhacay Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni iyo wadajir, si looga guuleysto Ururka Al-Shabaab oo inta badan weeraro kala duwan ka geysta Muqdisho iyo Gobollada dalka Soomaaliya.
Warka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Waxaa looga tacsiyey geerida Taliyihii Booliiska Degmada Waaberi Gaashaanle Axmad Sheekh Cabdullaahi Baashane, Saraakiisha iyo Askarta kale ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee u shahiiday iyagoo ka shaqeynaya Amniga dalkooda iyo dadkooda,Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Amniga wuxuuna ugu baaqay Madaxweynuhu in si wadajir ah ay isaga kaashadaan ka hortagga Al-Shabaab.
Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa lagu dhuftay Afaafka hore ee Saldhiga booliska degmada Waaberi oo ku yaala Isgoyska Dabka Qarax ayaana geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh
Taliyihii Saldhiga Waaberi Axmed baashane,Saraakiil Kale iyo dad shacab ah ayaa ku geeriyooday qaraxaas waxaana ku dhaawacmay dadkale.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya G/lle Sidiiq Aadan Cali ayaa Warbahainta faahfaahin ka siiyay dadka qaraxaas ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay oo ay tiradoodu guud gaarayso ilaa 12 qof 6 dhimasho iyo 6 Dhaawac ah.