Maraykanka iyo Ingiriiska oo ka digay weerarro argagixiso oo ka dhici kara Kenya

0
413

Muwaadiniinta Maraykanka iyo Ingiriika ee ku sugan gudaha Kenya ayaa loogu baaqay inay feejignaadaan.
Safaaradaha Britain iyo Maraykanka ee Kenya ayaa digniintan soo saaray.
Dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa muwaadiniinteeda ku sugan Kenya uga digay suurtagalnimada afduub iyo in weerarro argagixiso ay dhacaan.
Waxay sheegeen in weerarradan ay imaan karaan iyadoo digniin la’aan ah.
Maraykanka ayaa calaamadeeyay in weerarro argagixiso ay ka dhici karaan goobaha ay ku badan yihiin dadka ajaanibta ah iyo dalxiisayaasha kuwaas oo bartilmaameed u ah sida uu Maraykanka sheegay argagixisada.
Safaaradaha Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa intaasi ku daray in kooxaha argagixisada ay beegsan karaan huteellada, safaaradaha, makhaayadaha, suuqyada waaweyn ee laga dukaameysto, goobaha lagu cibaadeytso, saldhigyada booliiska iyo dugsiyada.
Waxay muwaadiniintooda ku boorriyeen inay feejignaadaan marka ay bannaanka joogaan, kana fogaadaan meelaha dadka ay ku badan yihiin, gaar ahaan huteellada, goobaha laga cunteeyo, meelaha bannaan iyo xarumaha ganacsiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here