Sii hayaha xilka taliyaha guud ee booliiska oo lagu xukumay 6 bilood oo xabsi ah

0
654

Maxkamadda dalka ayaa maanta xukun xabsi oo 6 bilood ah u ridday sii hayaha xilka taliyaha guud ee ciidanka booliiska waddanka Mr. Gilbert Masengeli.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu helay dafiraadda amarro maxkamadeed maadaama loo yeeray ilaa toddobo mar oo uunan maxkamadda ka soo hormuuqan.
Waxaa xukunka ka dhanka ah Masengeli soo saaray garsoore Lawrence Mugambi.
Xaakinka ayaa amray in Masengeli uu isku dhiibo guddoomiyaha guud ee waaxda ciidamada asluubta ee dalka si loo geeyo xabsiga uu 6 bilood ku jiraya.
Maxkamadda ayaa amartay in haddii uunan sidan sameyn in wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki laga doonayo inuu dhaqangeliyo go’aanka ka soo baxay maxkamadda.
Hasa ahaate , maxkamadda ayaa sii hayaha xilka taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Gilbert Masengeli u qabatay muddo 7 cishe ah oo lagu sheegay mid uu ugu hoggaansamaya amarradii loogu yeeray si uu sumcadiisa u ilaashado.
Xaakinka ayaa xusay in xukunka xabsiga ee 6-da bilood ah lagu fulin doono toddobo maalmood ka dib haddii uunan ka faa’iidaysan fursadda la siiyay.
Qoraalka maxkamadda waxaa ku cad in tallaabadan ay tahay mid taliyaha lagu qasbaya inuu soo afjaro dafiraadda amarrada maxkamadda oo xukunka uunan ahayn mid ciqaabeed.
Ka dib marka ay dhamaato muddada toddobada cishe ah ee la siiyay Masengeli haddii uunan intaasi ka hor si shakhsi ah maxkamadda iskaga xaadirin, waxaa si toos ah u dhaqan galaya xukunka xabsiga ah ee ay maxkamaddu soo saartay.
Mr. Gilbert Masengeli ayay maxkamadda doonaysa inuu faahfaahin ka bixiyo halka ay ku sugan yihiin Jamil Longton, walaalkiisa oo lagu magacaabo Aslam Longton iyo Bob Njagi oo u ololeeya arrimaha bulshada.
Tani ayaa timid ka dib markii shakhsiyaad lagu sheegay ciidamada booliiska ay saddexdan qof afduubteen 19-kii bishii hore ee sanadkan xilligaasi oo ay socdeen dibadbaxyadii ka dhanka ahaa dowladda.
Hasa ahaate , maxkamadda ayaa soo saartay xukun xabsi oo 6 bilood oo ka dhan ah ku simaha taliyaha guud ee booliiska ee dalka ka dib markii dhowr mar uu ku guul darreystay inuu maxkamadda hor tago si uu arrintan sharaxaad uga bixiyo.
Waxaa xukunka xabsiga maxkamadda ka codsaday ururka qareennada dalka ee LSK taasi oo ay maxkamaddu tixgelisay.
Masengeli oo uu qareen matalaya ayaa horay maxkamadda ugu sheegay in aynan u suurtagelin inuu isa soo xaadiriyo maadaama uu ku mashquulsanaa arrimo amni iyo socdaallo kormeer ah oo uu ku tagay ismaamullo ay ka mid yihiin kuwo gobolka Waqooyi Bari.
Garsoore Lawrence Mugambi ayaa horay u diiday codsi uu gudbiyay Gilbert Masengeli oo ahaa in xukunka ka dhanka ah la hakiyo wuxuuna xaakinka taasi u cuskaday in codsiga xilli dambe lala wadaagay.