Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa shaaciyay inuunan ka qayb geli doonin dood saddexaad oo loo qabanaya musharraxiinta u tartamaya hoggaanka ugu sarreeya ee xukuumadda Washington.
Dhawaan ayay ahayd markii dood dhex martay Trump iyo madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Kamala Harris ay daawadeen in ka badan 67 milyan oo qof.
Hasa ahaate, Trump oo horay ula dooday madaxweyne Joe Biden ayaa cadeeyay in uunan mid kale ka qayb galayn.
Biden ayaa doodaasi ka dib iskaga haray loollanka madaxtinnimo waxaana si degdeg ah u beddeshay ku xigeenkiisa.