DHAGEYSO:Ganacsatada suuqa Wakulima ee Nairobi oo dibadbax sameeyay

0
180

Waxaa dibadbax dhigay ganacsatada suuqa Wakulima ee sidoo kale loo yaqaano Marikiti ee ismaamulka Nairobi.
Waxay sheegeen in ay mudaaharaadyada sii wadi doonaan ilaa iyo inta dowladda hoose ee Nairobi ay meesha ka saareysa wargelin ay soo saartay.
Ganacsatada ayaa ka cabanaya inuu jiro qorsho la doonaya in looga wareejiyo goobaha ay hadda ku ganacsadaan taasina aynan raalli ka ahayn.

Waxaa la howlgeliyay ciidamada booliiska ee qaabilsan ka falcelinta rabshadaha oo ka jawaabay dibadbaxa ay sameeyeen ganacsatada suuqa Wakulima .