Wasiirka wasaaradda deegaanka , isbeddelka cimillada iyo kaymaha ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa waaxda saadaasha hawada ee waddanka ee KMD ku boorriyay in ay xaqiijiso in macluumaadka ay kenyaanka la wadaagaysa ay yihiin kuwo sax ah oo la hubiyay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay muhiim u tahay in sida habboon loola tacaalo xaaladaha cimillada ee soo kordha.
Ducaale ayaa tusaale u soo qaatay saadaal intii horay loo shaaciyay markii dambana laga laabtay taasi oo jahawareer abuurtay.
Waxaa uu xusay in waaxda KMD aynan muhiim u ahayn keliya qaranka balse guud ahaan caalamka.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in khuburrada dhanka duullimaadka ay ku tiirsan yihiin xogaha ay waaxdan soo saarto si ay u qaataan go’aamo muhiim ah.
Sidoo kale , waxaa uu sheegay in wasaaradda beeraha iyo xanaannada xoolaha ee dalka ay macluumaadkan adeegsato si loo qorsheeyo isku filnaanshaha dhanka cunnada.
Waxaa uu tilmaamay in haddii waaxda saadaasha hawada ee dalka ay bixiso xog aan xaqiiqada ku saleysnayn in tani ay horseedi karto saameyn ballaaran.