Ciidanka ammaanka oo gacanta ku dhigay eedaysane la sheegay inuu dad shacab ah dhacay

0
347

Maamulka degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho gacanta ku dhigay burcad caadeystay in uu dhaco bulshada ku nool Waaxda Xalane ee degmadaasi.
Ciidamada ammaanka ee ka howlgala degmada Wadajir ayaa burcaddaasi ku soo qabtay iyagoo falal burcadnimo kula kacaya shacabka, waxaana ninkii burcadda ahaa lagu helay isagoo hubeysan mindi.
Isla markiiba, waxaa lagu wareejiyay saldhigga booliiska ee degmada Wadajir, halkaas oo baaritaan dheeraad ah lagu sameynayo si cadaaladda loo marsiiyo.
Degmada Wadajir oo ka mid ah meelaha ugu waaweyn ee magaalada Muqdisho, ayaa dhawaanahan la tacaaleysay falal burcadnimo oo saameyn ku yeeshay shacabka, gaar ahaan xaafadaha Waaxda Xalane oo dhibaatooyin joogto ah ay ka jireen.
Ciidamada amniga ayaa si degdeg ah uga falceliyay cabashooyin ka soo yeeray bulshada, taasoo keentay in burcaddaasi gacanta lagu soo dhigo iyadoo lagu soo eedeeyay inay caadeysteen dhaca iyo argagixinta dadka deegaanka.
Saraakiisha ammaanka ee Wadajir ayaa tilmaamay in tani aysan ahayn markii ugu horreysay ee burcad noocan oo kale ah la qabto.
Horay ayaa gacanta loogu dhigay kooxo kale oo ku howlanaa falal burcadnimo, kuwaas oo qaarkood maxkamad la soo taagay, halka kuwa kalena ay baaritaanno dheeraad ah ku socdeen.
Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgallo ballaaran oo ka socda guud ahaan xaafadaha Muqdisho, si looga hortaggo burcadda iyo kooxaha amni darrada ka abuura caasimadda.
Dadka deegaanka ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay ciidamada ammaanka ku qabteen burcadda, iyagoo rajo ka muujiyay in amniga xaafadaha si buuxda loo sugi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here