DHAGEYSO:Booliiska oo la tacaalay dad dibadbax ka sameeyay JKIA

0
149

Waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada booliiska ay ka falceliyeen dibadbax ka dhacay garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi.
Waxaa mudaaharaadka sameynaya shaqaalaha ururka waaxda duullimaadka dalka ee KAWU oo shaqo joojin guda galay.
Muuqaallo la faafiyay ayaa laga dhex arkaya saraakiil booliis oo garaacaya qof la rumeysan yahay inuu ka mid yahay dibadbaxayaasha.
Shaqo joojinta ayaa hakad gelisay duullimaadyo maxalli iyo kuwo caalami ah.
Shirkadda duullimaadka dalka ee Kenya Airways ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay jiraan duullimaadyo dib u dhac ku yimid iyo kuwo ay u badan tahay in la baajiyo balse ay xaaladda qiimeynaysa oo ay wixii faahfaahin ah dib ka soo sheegi doonto.
Xaaladda garoonka JKIA ayaana goor sii horreysay sidatan ahayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here