Wasiirka wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukumadda Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa hortagay guddiga arrimaha diinta ee golaha shacabka oo su’aalo adag ka weydiiyey arrimo ay ku lug leedahay wasaaradda uu hoggaamiyo.
Xildhibaanada ayaa wasiirka weydiiyay sababta uu shirweynihii culimada Soomaaliyeed ee Muqdisho lagu qabtay ugu casuumi waayay culimada Ahlusunna.
Wasiir Mukhtaar ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay wada Ahlusunno yihiin.
Waxaa uu intaasi ku daray in culimada Suufiyada ay metelaad ku lahaayeen shirarkii loo qabtay culimada.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyey in culimada Soomaaliyeed ay shirkaasi u dhamaayeen.
Waxaa uu qiray in culimada duruuqu Suufiya ay waddankan u soo halgameen, islamarkaana ay shir guddoon ka ahaayeen shirweynihii culimada Soomaaliyeed ee dowladdu qabatay.
Culimada Ahlusunna ayaa shirkaasi ka qabtay tabasho badan maadaama aan lagu casuumin intooda badan, sidoo kale waxay mar kasta ka cabtaan wasiir Mukhtaar Roobow oo sida ay sheegeen aad u diidan jiritaankooda, inkastoo ay toos u dagaalameen waayihii uu Mukhtaar Roobow ku jiray kooxda Al-Shabaab.