WFP oo sheegtay in 2.2 milyan oo Falastiiniyiin ah ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah

0
158

Hay’adda Cunnada Adduunka ee (WFP) ayaa sheegtay in 2.2 milyan oo qof oo Falastiiniyiin ah ay si degdeg ah ugu baahan yihiin gargaar cunno iyo caawimaadka kale ee nolol maalmeedka.
Dadkan ayaa ku nool Qaza oo ay duqeymaha militari ee Israa’iil ka socdaan bishii 11-aad.
Saraakiisha maxalliga ee Qaza ayaa dhanka kale sheegay in weerarrada joogtada ah ee socdo awgood aynan dugsiyada dib ugu laaban in ka badan 630,000 oo arday ah.