Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Galmudug oo ku dhawaaqday dagaal saf ballaaran ah oo Shabaab ka dhan...

DHAGEYSO:Galmudug oo ku dhawaaqday dagaal saf ballaaran ah oo Shabaab ka dhan ah

Wasiirka Amniga Gudaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug iyo mas’uuliyiin kale oo labadii todobaad ee la soo dhaafay ku sugnaa deegaanno hoos-taga degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa kormeeray difaacyada hore ee ciidamada amniga ay ku jiraan ee aagga degaannada Bacaadweyn iyo Cimaamad oo ka tirsan Gobolkaasi Mudug.
Ciidamada qalabka sida ee isugu jira milateriga Qeybta 21-aad, Nabadsugidda iyo Daraawiishta Galmudug oo garabsanaya dadka deegaanadaas ayaa dagaal culus la galay Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo weeraro ku qaaday deegaanda Bacaadweyn iyo Shabeelow.
Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Maamulkiisa oo kaashanaya dadka Shacabka ah ay diyaar u yihiin inay Al-Shabaabka saaraan degaannada ay ka joogaan Gobolada Mudug iyo aglgaduud.
Waxaa uu u mahadceliyay Shacabka Gobolka Mudug oo uu sheegay inay u dhabar adeegeen iskana difaaceen Al-Shabaab oo uu sheegay inay dhibaatooyin kala duwan ku hayaan.

Degaannada Bacaadweyn iyo Cimaamad ee Gobolka Mudug ayaa waxaa dhowr jeer ku dagaalamay Ciidamada Amniga Galmudug oo garab ka helaya maleeshiyaad deegaannadaas kasoo jeeda iyo Al-Shabaab oo weeraray degaannadaas.
Dhanka kale Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa sheegay in weerarradii ay deegaanada Maamulkaas ka gaysan jireen dagaalameyaasha Daacish iyo AL-shabaab ay labadii Sano ee la soo dhaafay hoos u dhaceen.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in muddadii uu Xafiiska joogay uu Xoogga Saaray dhismaha Ciidamada ayna Howlgalo Joogta ah ka socdeen Buuraha Galgala iyo Caalmow ee gobolka Bari halkaas oo ka mid ahayd meelaha ugu badan ee kooxahaan ay weerarrada ka soo qaadi jireen.
Madaxweynaah maamulka Puntland Sacdiid C/laahi Deni wuxuu sidoo kale ka hadlay degaalo beeleedyada ka dhaca deegaano Puntland ka tirsan wuxuuna sidoo kale Digniin u diray dad uu sheegay inay ka shaqaynayaan falal amaanka lagu KhalKhal galinayo oo baraha bulshada qaarkood loo adeegsado dadka arrimahaas Sameeya ayuuna u sheegay in Gacanta lagu soo dhigo doono oo lala Xisaabtami doono hadii aysan ka waantoobin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments