Hoggaamiyaasha ardayda dhigta xarumaha tacliinta sare ee ismaamulka Mombasa ayaa sheegay in ay berri sameyn doonaan dibadbax ay uga soo horjeedaan hannaanka maalgelinta ee jaamacadaha.
Waxay dalbanayaan in dowladdu ay ka laabato adeegsiga nidaamkan oo abuuray hadal hayn badan.
Ardayda ayaa hoosta ka xarriiqay in hannaankan uu yahay mid takooraya ardayda ka soo jeedo qoysaska danyarta ah.
Sidoo kale waxay waalidiinta ugu baaqeen in ay ku biiraan dibadbaxyada ay ardayda sameynayaan ilaa iyo inta ay dowladdu ka beddelaya mowqifkeeda.