Baroordiiq qaran oo looga dhawaaqay Kenya

0
377

Waxaa dalka looga dhawaaqay baroordiiq qaran oo socon doonto muddo saddex cishe.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya wadanka ayaa sheegay in muddadan hoos loo dhigaya calanka dalka iyo calanka bulshada Bariga Afrika.
Waxaa muddadan oo ka billaabanaysa waaberiga hore ee Isniinta ee 9-ka bishan ay ku eg tahay ilaa qorrax dhaca maalinka Arbacada.
Tani ayaa timid ka dib markii 18 arday ah ay ku geeriyoodeen dab habeenimadii Khamiista saameeyay dugsiga hoose dhexe ee Hillside Endarasha Academy oo ku yaalla deegaanka Kieni ee ismaamulka Nyeri .
Waxaa uu madaxweynaha dhacdadaasi ku tilmaamay mid aad looga naxo isagoo dhanka kale caafimaad degdeg ah u rajeeyay inta dhaawaca ah ee weli lala tacaalaya xaaladooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here