NACADA oo 15 qof ku xirtay Mombasa

0
161

Maamulka ololaha qaran ee ka dhanka ah isticmaalka maandooriyaha ee NACADA ayaa howlgallo uu ka sameeyay ismaamulka Mombasa ku soo xiray 15 ruux.
Howlgallada ayaa lagu bartilmaameedsanayay xarumaha lagu iibiyo khamriga ee aan sharciyeysnayn ama aan u hoggaansamin xeerarka degsan oo ay ka mid tahay in maandooriye aan laga iibin qof ay da’diisu ka hooseyso 18 sano.
Waxaa howlgalladan oo ay waaxyo kala duwan iska kaashadeen hoggaaminayay madaxa fulinta ee NACADA Dr. Anthony Omerikwa.
Waxaa uu xusay in meelaha ay howlgallada ka sameeyeen ay ka mid yihiin Bamburi, Kisauni iyo bartamaha magaalada Mombasa.
Mas’uulkan ayaa wacad ku maray in tallaabooyinkan ay sii socon doonaan guud ahaan waddanka si loo xaqiijiyo u hoggaansanka xeerarka u degsan isticmaalka iyo ka ganacsiga maandooriyaha ee gudaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here