Waxaa isbitaalka wayn ee Moi ee magaalada Eldoret , ismaamulka Uasin Gishu ee dalkani Kenya ku geeriyootay orayahaanad lagu magacaabo Rebecca Cheptegei oo u dhalatay Uganda.
Waxaa arrintan xaqiijiyay madaxa fulinta ee isbitaalkaasi Dr. Owen Menach.
Waxay u geeriyootay dhaawacyo maalmo ka hor soo gaaray ka dib markii uu weeraray wiil ay wada sheekeysanayeen oo dab qabadsiiyay gurigeeda.
Waxaa geerideeda ka tacsiyadeeyay wasiirka wasaaradda arrimaha dhallinyarada , hal-abuurka dhaqaale iyo cayaaraha ee Kenya Kipchumba Murkomen.
Wasiirka ayaa xusay in Rebecca ay ka baxday guud ahaan gobolka Bariga Afrika oo ayna ku dadaali doonaan sidii ay qoyskeeda cadaalad ku heli lahaayeen.