EACC oo doonaysa in ay dib ula wareegto dhulal la dhacay oo ku yaalla Kericho

0
333

Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee (EACC) ayaa maxkamadda geeyay codsi uu ku doonaya in loo oggolaado inuu dib ula wareego dhulal gaaraya 6 oo ku yaalla ismaamulka Kericho.
EACC ayaa sheegaysa in dhulalkan ay yihiin kuwo dadweyne oo si sharci darro ah lagula wareegay.
Qiimaha lacageed ee dhulalkan oo ay leedahay waaxda adeegga duurjoogta ee KWS ayaa ah 400 oo milyan oo shilin.
Maareeyaha EACC ee Koonfurta gobolka Rift Valley Ignatius Wekesa ayaa sheegay in dhulalkan oo la sii kala qaybiyay laga iibiyay maalgashato.
Waxaa uu xusay in arrintan ay fududeeyeen saraakiil sameeyay musuqmaasuq .