20 ka mid ah shirkadaha shaqaaleysiinta oo laga saaray liiska dowladda u diiwaangashan

0
345

Waxaa meesha laga saaray shahaadadii lagu diiwaangeliyay 20 ka mid ah shirkadaha shaqaaleysiinta.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday maamulka qaran ee shaqaaleysiinta ee (NEA) oo macluumaadkan la wadaagay guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha qurba joogta iyo shaqaalaha soo galootiga ah.
Agaasimaha guud ee maamulkan ,Edith Okoki ayaa sheegtay in shirkadahan ay ku guul dareysteen in ay u hoggaansamaan xeerarka degsan ee dhanka shaqaaleysiinta.
Waxay hoosta ka xarriiqday in ay caqabado kala kulmeen in ay tallaabo ka qaadaan shirkadahan maadaama ay xiriir dhow la leeyihiin xafiisyo saameyn ku leh dowladda dhexdeeda.