In ka badan 5 qof oo lagu dilay Daanta Galbeed

0
267

Ugu yaraan 5 qof ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil u adeegsatay diyaarad aan duuliye lahayn.
Weerarka ayaa lala eegtay baabuur marayay magaalada Tubas ee Daanta Galbeed ee la haysto ee dalka Falastiin.
Dhowr qof oo kale ayaa ku dhaawacmay falkaasi sida laga soo xigtay maamullada iyo saraakiisha caafimaadka ee magaaladaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in saaka ay Israa’iil gaysatay ilaa saddex weerar oo kala duwan.