Ismaamullada oo lagu boorriyay in ay yareeyaan tirada akoonnada bangiyeed

0
336

Hanti dhowraha guud ee dalka Nancy Gathungu ayaa dowladaha ismaamullada kula talisay in ay yareeyaan tirada akoonnada bangiyeed ee ay adeegsadaan.
Waxay sheegtay in aynan jirin baahi keenaysa in dowlad deegaannada ay isticmaalaan 200 ilaa 300 oo akoono bangiyeed ah.
Nancy ayaa hoosta ka xarriiqday in ismaamullada laga doonaya in ay tiradan ku soo reebaan wax ka yar 10.
Tani ayay carrabka ku adkeysay in ay meesha ka saareysa in la sameeyo sanduuqyo kala duwan oo qabanaya shaqooyinka waaxyaha dowlad deegaannada.
Waxay tusaale u soo qaadatay in aan loo baahnayn in akoon bangiyeed oo gaar ah loo sameeyo sanduuqa arrimaha beeraha ee ismaamulka iyadoo ay jirto waaxda beeraha.
Ismaamullada lagu dhaliilay isticmaalka akoonnada bangiyeed ee badan waxaa ka mid ah Bungoma oo isticmaasho 321 akoono ah, Migori ayaa soo raacda waana 208 halka Kwale ay adeegsato 165 oo akoono bangiyeed ah.