Dowladda oo sheegtay in aan dugsiyada la booqan karin

0
217

Xoghayaha wasaaradda waxbarashada ee dalka Dr. Belio Kipsang ayaa sheegay inuu weli shaqeynaya amarkii lagu mamnuucay in xilli dugsiyeedka saddexaad ee sanadka la qabto munaasabadaha bulshada ee dugsiyada dhexdooda.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in ardayda lagu booqdo xarumaha waxbarashada ama la qabto xaflado duco oo maalmo khaas ah, tartamada cayaaraha , kulamada sanadlaha ah, abaal marinnada iyo waxyaabaha la midka ah.
Kipsang ayaa agaasimayaasha waxbarashada faray in ay amarkan si buuxda u dhaqangeliyaan.
Bishii Shanaad ee sanadkii 2016-kii ayay ahayd markii uu waxyaabahan mamnuucay wasiirkii hore ee waxbarashada ee dalka Dr.Fred Matiang’i si loo kala ilaaliyo ardayda imtixaannada qaran u fadhiisanaya iyo cid kasta oo doonaysa in ay carqaladeyso habsami u socodka imtixaannada iyo kalsoonida lagu qabi karo natiijada ka soo baxdo.