DHAGEYSO:Rag soo dhacay 10 kun oo doollar oo Muqdisho lagu qabtay

0
194

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa shir jaraa’id qabtay, isagoo shaaciyay in la soo qabtay dad badan oo loo haysto dhac dadweyne, kuwaas oo shabakad lacag badan dhacday ay ku jirto.
Kiisaska uu booliisku soo bandhigay waxaa ugu weyn in la soo qabtay rag dhacay 10 kun oo doollar, waxaana ku socota baaritaan, sida uu sheegay Afhayeenka Booliiska Soomaaliya.
Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in ciidamada ammaanka ay soo qabteen burcaddii ugu badneyd, ka dib howlgallo qaatay laba toddobaad oo laga sameeyay gudaha caasimadda Muqdisho.
Waxaa tirada dadka la soo qabtay uu ku sheegay inay gaarayaan 70 ruux oo qaarkood ka soo muuqday baraha bulshada, iyaga oo gaysanaya dhac toos ah.
Cabdiftaax Aadan Xasan ayaa xusay in dhammaan dadkan la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.