Dowladda oo sheegtay in shaqaalaha dalka mushaar kordhin loo sameyn doono

0
144

Wasiirka wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ee dalka Dr. Alfred Mutua ayaa sheegay in qorshuhu uu yahay in ugu dambeyn dhammaadka sanadkan , mushaarka ugu hooseeya ee ay shaqaalaha qaataan la kordhiyo boqolkiiba 6.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in howlwadeennada ay isbeddelkan dareemi doonaan bisha Tobnaad ee sanadkan.
Dr. Mutua ayaa ballan qaadkan sameeyay xilli uu kulan la qaatay mas’uuliyiinta xiriirka waaxyaha iyo shirkadaha loo shaqeeyo ee dalka ee FKE oo ay hor kacayeen madaxa ururkan Gilda Odera iyo agaasimaha fulinta Jackline Mugo .
Mutua ayaa sidoo kale sheegay inuu dardargelin doono sidii wargeyska rasmiga ee dowladda loogu soo daabici lahaa goleyaasha ka shaqeynaya dhaqangelinta mushaar kordhinta .