Hooyo iyo shan carruur ay dhashay oo ku dhintay darbi kusoo dumay ee Muqdisho

0
442

Qoyska ka mid ahaa dadka Barakacayaasha ah ee ku noolaa xero barakac oo ku taalla agagaarka Jaamacadda Shabeelle ee duleedka magaalada Muqdisho Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku dhintay Hooyo,Shan Caruur ah oo ay dhashay & Cunug kale oo la joogay reerka ay musiibadu ku dhacday.
Dhacdadaan ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen inay ka dambeeysay kadib markii uu kusoo dumay Hooyada & Carruurteeda Darbi ay roobkii xalay kaga gambanayeen.
Marka ay roobabka Mahiigaanka ah ka da’ayaan Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxay Saamayn ka Soo gaartaa dadka danyarta ah ee ee ku nool Caasimada kuwaasoo aysan Guryahoodu ahayn kuwa adag ama Biyaha roobka ka Celin kara.
Maalmo ka hor ayay ahayd Marki biyo qaadaan Carruur tiradoodu gaaraysay ilaa 12 oo 7 ka mid ah ay isku qays ahaayeen kana soo jeeda Qoysaska danyarta ah.