Waxaa dib u billowday howlaha waxbarashada ee dugsiyada sare ee dowladda iyo machadyada farsamada.
Tani ayaa timid ka dib markii ay shalay heshiis wada gaareen ururka macallimiintan ay ku mideysan yihiin ee KUPPET iyo guddiga adeegga bareyaasha ee TSC.
Xoghayaha Guud ee ururka KUPPET, Akelo Misori ayaa sheegay in macallimiinta laga doonaya in ay sida ugu dhaqsiyaha badan iskaga xaadiriyaan xarumaha waxbarashada.