IEBC oo doonaysa in kiisaska xil ka qaadista lagu soo gabagabeeyo 6 bilood

0
159

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC ayaa doonaya in kiisaska ku saabsan xil ka qaadista mas’uuliyiinta ee maxkamadaha loo gudbiyo lagu soo gabagabeeyo 6 bilood gudahooda.
Waxaa soo jeedintan gudbisay Ruth Kavuo oo ka tirsan qaybta garyaqaannada ee IEBC.
Waxay ka soo hormuuqatay guddiga aqalka sare ee dalka u qaabilsan cadaaladda , arrimaha sharciga iyo xuquuqul aadanaha.