Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa beenisay in hawada Soomaaliya loo gacan galinayo dal shisheeye, waxayna sheegtay in aanay suurtogal ahayn in Soomaaliya xilligan loo maamulo hawadeeda.
War saxaafadeed kooban oo ay soo saartay hay’addu ayay ku sheegtay in uusan jirin qorshe ay dowladda Soomaaliya ogtahay oo suurtogal ka dhigi kara in maamulka hawada Soomaaliya lagu wareejiyo dal shisheeye.
Warka ay soo saartay hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa ku soo beegmaya, markii madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamad Cabdullaahi Farmaajo uu digniin culus u diray dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo ku aaddan qorshaha maamulka hawada Soomaaliya loogu wareejinayo dowlad shisheeye.
Farmaajo ayaa aad uga horyimid in dowladda Soomaaliya ay shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta ku wareejinayso mas’uuliyadda maamulka hawada.
Waxaa uu ku dooday in arrintaasi ay halis gelineyso amniga qaranka, islamarkaana ay wiiqeyso horumarka laga gaaray duulista hawada Soomaaliya.
Maalmo ka hor, warbaahinta ayaa la isla dhexmarayay in Dowladda Soomaaliya ay maamulka hawada ku wareejinayso shirkad laga leeyahay Imaaraatka Carabta.
Shirkada NAV-PASS ayay dawladda Federaalka heshiis kula gashay aruurinta lacagaha Hawada Soomaaliya.
Home Wararka Soomaaliya Dowladda Soomaaliya oo beenisay arrin uu sheegay madaxweynihii hore ee Soomaaliya