Nigeria oo tallaalka ka dhanka ah Mpox billaabi doonto bisha Tobnaad

0
327

Dowladda Nigeria ayaa shaacisay in 8-da bisha Tobnaad ee sanadkan ay billaabi doonto in ay muwaadiniinteeda siiso daawooyinka tallaalka ee ka dhanka ah furuq daanyeerka Mpox.
Waxaa sidatan sheegay afhayeenka wakaaladda qaran ee Nigeria u qaabilsan horumarinta daryeelka caafimaad ee aasaasiga ah Remi Adeleke.
Talaadadii ayay ahayd markii ay Nigeria gudoontay 10,000 oo ah daawooyinka lagula tacaalo cudur sidaha mpox oo ay dalkaasi gaarsiisay hay’adda Maraykanka ee horumarka caalamiga ee USAID.
Nigeria ayaa laga diiwaangeliyay 40 kiis oo ah kuwa furuq daanyeerka Mpox in kastoo aan weli la soo tabin qof fayraskan ugu geeriyooday gudaha waddankaasi.