Shaqaalaha duullimaadka dalka oo hakiyay shaqo joojin qorshaysnayd

0
182

Ururka ay ku mideysan yihiin shaqaalaha waaxda duullimaadka dalka ee KAWU ayaa shaaciyay inuu muddo toddobo cishe ah hakiyay shaqo joojin uu qorshuhu ahaa in howlwadeennadan ay ku dhaqaaqaan berri oo Isniin ah.
Tani ayaa timid ka dib kulan ay shalay yeesheen.
Waxay sheegeen in ay waqti gelinayaan in ay akhriyaan oo ay fahmaan soo jeedinta maalgashiga ka dhexeeya dowladda iyo shirkadda laga leeyahay dalka India ee Adani kaasi oo lagu ballaarinaya gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi.
Ka dib marka ay sidan sameeyaan , ayay dalabaadkooda u gudbin doonaan dowladda.
Sidoo kale , ururka KAWU ayaa dalbaday in shirkadda Adani ay joojiso qiimeyn ay ka sameynaysa garoonka JKIA.
Waxay doonayaan in dowladdu ay baajiso safar wafdi isugu jiro maamulayaal iyo saraakiil dowladeed la qorsheeyay in ay 2-da bishan Sagaalaad ku tagaan India.
Ururka ay ku mideysan yihiin howlwadeennada waaxda duullimaadka ee dalka ee KAWU ayaa sheegay in haddii aan rabitaankooda la fulin in iyadoo aynan wargelin kale soo saarin ay billaabanaysa shaqo joojinta ay hakiyeen.