Kenya oo laga xaqiijiyay kiiskii 4-aad ee Mpox

0
259

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in la xaqiijiyay kiiskii afaraad ee furuq daanyeerka loo yaqaano Mpox ee laga diiwaangeliyay gudaha waddanka.
Tani ayaa timid ka dib markii cudur sidahan laga helay darawal gaari xamuul ah oo ka soo safray Mombasa, kuna sii jeeday dalka Rwanda.
Xoghayaha wasaaradda caafimaadka ee Kenya Mary Muthoni ayaa shaacisay in bukaanka caabuqan looga baaray ismaamulka Nakuru.
Waxay intaasi ku dartay in hadda xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay oo lagu daryeelaya qayb gaar ah.
Saddexdii kiis ee hore ee fayraska Mpox ayaa laga xaqiijiyay ismaamullada Taita Taveta, Busia iyo Nairobi, waxaana laga helay wadeyaasha baabuurta xamuulka qaada iyo haweeney.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay inay xoojisay dadaallada kormeerka iyo dabagalka ee lagu xakameynaya faafitaanka caabuqa Mpox.
Waxay wasaaradda sheegtay in baaritaano laga sameynaya meelaha waddanka laga soo galo.
Ilaa iyo hadda waxaa baaritaano maray 600,000 ruux oo socoto ama safarayay.
Wasaaradda caafimaadka ayaa dadweynaha ku boorrinaysa in ay is dejiyaan waxayna shacabka u xaqiijisay in hannaanka caafimaadka ee waddanka si buuxda loo qalabeeyay si cudurkan loola tacaalo.
Kenyaanka ayaa lagu boorriyay in ay si joogto ah gacmaha ugu dhaqdaan saabuun iyo biyo socdo ama ay isticmaalaan gacmo-nadiifiyaha loo yaqaano hand-sanitizer.
Sidoo kale, wasaaradda caafimaadka ayaa dadweynaha kula talinaysa in ay nadaafadda ku dadaalaan oo aynan si dhow ula macaamilin shakhsiyaadka muujinaya astaamaha cudur sidaha Mpox.
Shacabka ayaa lagu boorriyay in aynan wadaagin waxyaabaha shakhsiyeed sida shukumaanka, maacuunta iyo dharka.
Sidoo kale haddii aad iskaga shakiso astaamaha caabuqan sida cuncunka iyo nabraha jirka ka soo baxo waxaad tagaysa xarunta kuugu dhow ee caafimaadka si laguu baaro.
Wasaaradda ayaa ku talinaysa in laga fogaado duur joogta sidoo kalena aan la cunin hilibkooda aan la baarin.
Kenyaanka ayaa lagu boorrinaya in ay xaddidaan ama aynan u safrin dalalka laga xaqiijiyey kiisaska furuq daanyeerka Mpox sida Congo.