Waxaa lagu soo warramayaa in koronto la’aan ay saameysay qaybo badan oo ka mid ah dalka Venezuela.
Maamullada waddankaasi ayaa sheegay in dhagar qabayaal ay bartilmaameedsadeen isku xirka qaran ee korontada ee Venezuela.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday wasiirka isgaarsiinta ee dalkaasi Freddy Nanez oo xusay in cilladdan la dareemay abaare 4:40 subaxnimo ee saaka.
Meelaha ay koronta la’aanta saameysay waxaa ka mid ah caasimadda Venezuela ee Caracas .
Hasa ahaate, wasiirka isgaarsiinta ayaan faahfaahin dheeraad ah ka bixin koronto la’aanta balse wuxuu xusay in lala tacaalaya.
Sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii ay koronto la’aan baahsan ay saameysay Venezuela oo xilligaasi ay ka jirtay xasillooni darro siyaasadeed.