Qof ku eedeysan argagixisannimo oo la xiray 20 sano

0
393

Maxkamadda ismaamulka Siaya ayaa eedeysane lagu magacaabo George Oluoch Awiti, oo loo yaqaano Cabdul Najiib Maxamad ku ridday xukun xabsi oo 20 sano ah.
Waxaa go’aankan soo saartay garsooraha sare ee maxkamadda Siaya Lseter Simiyu.
Garsooraha ayaa sheegtay in waaxda dacwad oogidda ay soo bandhigtay caddeymo wax ku ool ah oo loo cuskan karo eedeymaha loo jeediyay.
Waxaa lagu soo oogay eedeymo badan oo la xiriira xubinnimada koox argagixiso ah, ururinta macluumaadka la xiriira argagixisada, iyo haysashada maqaallo la xiriira falal argagixisanimo.