Taliyihii hore ee saldhigga booliska degmada Howlwadaag ayaa maanta maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya horteeda ka warbixyay sida ay wax u dhaceen ee ku aadan dilkii Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiim Dhegajuun loogu geystay magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida Gashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo soo xiray dhageysiga dacwaddaan ayaa sheegay in maxkmadda ay dhawaan go’aan soo saari doonto