Midowga Yurub oo ku baaqay in la qaado xayiraad dhanka hubka ah

0
269

Madaxa arrimaha siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa dowladaha taageera Ukraine baaq u diray.
Waxaa uu soo jeediyay in ay iska kaashadaan sidii loo qaadi lahaa xayiraadda ah in hubka reer galbeedka aan lagu dhex isticmaali karin gudaha Ruushka.
Mas’uulkan ayaa sheegay in loo baahan yahay in Ukraine ay si buuxda iskugu difaacdo hubka ay dowladahan ugu deeqaan maadaama uu Ruushka weli ku hayo duullaan militari.
Waxaa uu xusay in tani ay suurtagelinaysa in ciidamada Ukraine ay duqeeyaan meelaha uu Ruushku ka soo bartilmaameedsado.
Arrintan ayuu ka sheegay shir ay wasiirrada difaaca iyo arrimaha dibadda ee xubnaha Midowga Yurub ay ku yeelanayaan magaalada Brussels ee dalka Belgium.