Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta socdaal ku tagay ismaamulka Homa Bay ee gobolka Nyanza.
Waxaa uu halkaasi ka sheegay in magaalada Oyugis ee dowlad deegaankaasi laga hirgeliyay xarun lagu nadiifiyo biyaha taasi oo ay ku baxday ku dhawaad 700 oo milyan oo shilin.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale ka hadlay qorshaha maamulkiisa ee uu shacabka Homa Bay uga haqab tiraya baahiyaha dhanka adeegga korontada iyadoo la kaashanaya Midowga Yurub, dowladda Faransiiska iyo saaxiibbada kale ee Kenya.