Barasaabka ismaamulka Kwale Fatuma Maxamad Achani ayaa sheegtay in kastoo dowlad deegaannada ay wajahayaan culeyso dhaqaale oo ka dhashay tallaabadii meesha looga saaray hindise sharciyeedkii maaliyadda ee sanadkan , haddana in ay sii wadi doonaan in ardayda ka soo jeedo qoysaska danyarta ah laga taageero bixinta qarashaadka waxbarashada.
Waxay hoosta ka xarriiqday in sanad kasta ay howshan ku bixiyaan 500 oo milyan oo shilin.
Arrintan ayay sheegtay ka dib markii ay daahfurtay barnaamij 41 milyan oo shilin qarashaadka waxbarasho looga bixinayay ardayda wax ka dhigta dugsiyada sare ee 14 deegaannada hoose ah.
Qaar ka mid ah waalidiinta ay carruurtooda ka faa’iideen deeqda waxbarasho ayaa ka mahadceliyay.