COTU oo baaq u dirtay guddiga TSC

0
310

Xoghayaha Guud ee dalladda ay ku mideysan yihiin ururrada shaqaalaha ee COTU, Francis Atwoli ayaa guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ugu baaqay inuu xalliyo tabashooyinka bareyaasha dalka.
Waxaa uu sheegay inuu la xiriiray madaxa fulinta ee TSC Nancy Macharia balse ay u muuqatay in ay cuskanayaan go’aankii maxkamadda ka soo baxay.
Atwoli ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda laga doonaya in ay ka dhabeyso ballanqaadkii ay macallimiinta u sameysay ee dhanka mushaar kordhinta.
Sidoo kale waxaa uu TSC ku dhaliilay in ay ku degdegtay in ay maxkamadda dacwad gayso halkii ay la heshiin lahayd macallimiinta ka tirsan KUPPET ee shaqo joojinta ku guda jiro.