Waxaa la xaqiijiyay in labo carruur ah ay ku geeriyoodeen aagga Heni ee ismaamulka Nyandarua ka dib markii uu dab qabsaday guri ay ku dhex jireen.
Booliiska ayaa laga soo xigtay in dabka uu xalay ka soo billowday qaybta hooyga ee shaqaalaha ee isbitaalka Heni.
Baaritaannada horudhaca ah ayaa muujinaya in haweeney kalkaaliso ah ay carruurteeda keligooda uga dhex tagtay guriga si ay caano u soo iibsato.
Hasa ahaate, markii ay soo laabatay ayay aragtay guriga oo gubanaya .
Ciidamada booliiska ayaa goobta gaaray waxayna warbaahinta u sheegeen in dabka uu guriga saameeyay abaare 7:50 fiidnimo ee xalay.
Waxaa halkaasi ku burburay dabaqa koowaad ee dhismaha ay deggan yihiin howlwadeennada isbitaalka oo alwaax ka sameysnaa .
Saraakiisha waaxda dab damiska oo ka yimid Naivasha ayaa ugu dambeyn dabka demiyay iyadoo halkaasi laga soo qaaday meydadka labada canug oo la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka Engineer Hospital Mortuary si baaritaano loogu sameeyo.