DHAGEYSO:Macallimiinta KUPPET ee Samburu oo shaqo joojin sameeyay

0
275

Iyadoo ay shalay maxkamadda sare ee dalka soo saartay amar macallimiinta xubnaha ka ah ururka bareyaasha ee dalladda KUPPET looga dalbanaya in ay soo afjaraan shaqo joojinta ay billaabeen Isniintii ayaa waxaa shaqo joojin sameeyay macallimiinta ka tirsan ururkan ee ismaamulka Samburu.
Waxay dhaliileen go’aankii shalay ka soo baxay maxkamadda .
Maxkamadda ayaa amartay in KUPPET aynan sii wadin shaqo joojinta ilaa iyo inta laga dhageysanaya dacwad uu maxkamadda geeyay guddiga adeegga macallimiinta ee TSC.
Bareyaasha Samburu ayaa wacad ku maray in aynan xarumaha waxbarashada iska xaadirin doonin ilaa iyo inta si buuxda looga xallinaya tabashooyinkooda oo ay ka mid tahay mushaar kordhin.

Waxaa sidoo kale shaqo joojin sameeyay macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada sare ee xubnaha ka ah ururka KUPPET ee deegaanka Malindi, ismaamulka Kilifi.
Qaar ka mid ah bareyaashan oo dareenkooda la wadaagay warbaahinta ayaa yiri.