Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in ay qasab tahay in dowladaha hoos tago qaaradda Afrika ay wax ka qabtaan saameynta isbeddelka ku yimaado cimillada.
Wasiirka wasaaradda deegaanka , isbeddelka cimillada iyo kaymaha ee waddanka Aadan Barre Ducaale ayaa khudbadda madaxweynaha ka jeediyay shir uu ku matalayay.
Waxaa uu ku taliyay in Afrika ay hal qaab u wajahdo la tacaalidda caqabadaha nabadgalyada , isbeddelka cimillada iyo ammaanka.
Baaqan ayuu ka jeediyay shirka dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ee AU-da ay uga hadlayeen xallinta dhibaatooyinkan oo lagu qabtay magaalada Nairobi.
William Ruto ayaa ah guddoomiyaha guddiga madaxweyneyaasha Afrika ee isbeddelka cimillada ee (CAHOSCC).
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in isbeddelka ku yimaada cimillada uu saameyn wayn ku yeeshay qaaradda.
Madaxweynaha ayaa tusaale u soo qaatay abaartii daba dheereyd ee soo martay Kenya taasi oo waxyeelleysay hab nololeedka shacabka iyo dhaqaalaha.
William Ruto ayaa sheegay in intii u dhexeysay sanadihii 2021-kii iyo 2022-kii ay Kenya saameysay abaartii ugu darnayd muddo 40 sano ah.
Waxaa uu tilmaamay in abaarta ay xilligaasi galaafatay 2.5 milyan oo xoolo ah iyadoo khasaaraha dhaqaale ee ka dhashay uu ka sare maray 1.5 bilyan oo doollar.