6 qof oo lagu dilay Daanta Galbeed

0
326

Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa 6 qof oo Falastiiniyiin ah ku dilay Daanta Galbeed ee la haysto.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo wasiirka amniga ee Israa’iil Itamar Ben-Gvir uu sheegaya inuu calanka Israa’iil ka taagi doono barxadda masjidka Al-Aqsa.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , duqeymaha ay Israa’iil weli ka wado Qaza waxaa lagu dilay ugu yaraan 40,476 qof halka la dhaawacay 93,647 kale.