Raila Odinga oo u tartamaya xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa ballan qaaday in haddii uu loollanka ku guulaysto uu isbeddel ballaaran ku sameyn doono AU-da.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu xaqiijin doono in Midowga Afrika ay ka turjunto rabitaanka shacabka dowladaha ku mideysan.
Mr. Odinga ayaa xusay inuu mudnaanta koowaad siin doono danaha qaaradda Afrika.
Xilli uu ka hadlayay isbeddellada u qorsheysan ayuu tusaale u soo qaatay inuu soo kordhinaya dal ku galka Midowga Afrika si loo fududeeyo isku socodka gudaha qaaradda oo loo xoojiyo ganacsiga ka dhexeeya xubnaha dalladdan.
Sidoo kale, waxaa uu sheegay in loo baahan yahay isbeddello dhanka hawada sare ah si sare loogu qaado isku xirka iyo howlaha ganacsiga ee gudaha qaaradda Afrika.